shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Odayada dhaqanku ma ka badbaadin doonaan Soomaaliya shirqoolada shisheeyaha, mise sidii baarlamaankii DKM, ayay ugu dambaynta ku dhici doonaan dabinka beesha caalamka?!!!

(Abu Dhabi, U.A.E June 04, 2012 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan, oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii, iyo mid kasta oo maray jidkiisii, oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo maalinta qiyaamaha, Intaas ka dib:

Qoraalkan waxan qoray intii uu soconaayay shirkii odayada dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee Istanbuul, waxa aad ii cajebisay sidii shirkaasu u socday, ee loogu lafa guraayay arimaha Soomaaliya, iyada oo ay iigu muuqtay in arinta markan, gacanta loo geliyay dadkii taladu ka go’aysay, iyo aqoonyahankoodii ahalka u ahaa arimaha siyaasada, waxana aad isugu qanciyay in wax la mahadiyaa Ka soo bixidoonaan shirkaas, oo u wada cuntama ummada Soomaaliyeed, qodobada halkaa laga soo saarona, lagu qaadan doono shirka Istanbuul dhinaca siyaasada, oo ay ka muuqan doonaan warmurtiyeedka shirka ka soo bixi doona, sidaas darteed ayaan qoraalkan joojiyay, anoo isku qanciyay in aanu waqtigan ku haboonayn, iyada oo aan hawlo kale ku mashquulayna, waxa aad ii dhaafay wararkii Waqtigii la soo afjaray iyo warmurtiyeedkiisii, qodobadii ka soo baxay shirka, kuwaas oo aan hada gadaal ka aqriyay,

Hadaba sida xaqiiqada ah, waxaa hadheeyay qodobada shirkaa ka soo baxay, mugdi iyo isburin, kamana duwana kuwii shirkii London ka soo baxay, oo ay qodobadiisu wada ahaayeen kuwa wada miinaysan, oo aan ujeedooyinkoodu cadayn, waxaad moodaa in aan waxba laga qaadan qodobadii Ay soo jeediyeen odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanadii bulshada rayidka, tusaale ahaan waxa ka mid ah qodobada, mugdigu ku jiro, oo aanay cadayn waxa looga jeedaa, amaba marinhabaabinta ah, shirkii London ka dibna khilaafyo badan, doodo iyo ismaan dhaaf badan, ummada Soomaaliyeed ka dhex dhaliyay, ee loo baahnaa in shirkan loogu cadayo ummada waxa looga jeedo, qodobka sheegaaya: "In Beesha caalamka looga baahan yahay in ay taageeraan qabsoomida wadahadallada dhexmaraaya DFKGM iyo Somaliland"!!!! Waa qodob miinaysan!!! oo aan ujeedadiisu cadayn, shirkii London ka dibna, isqabqabsi, khilaaf, jaahwareer badan, dagaalo badan, oo dhiig ku daatay, iyo in qolo waliba sida ay doonto u fasirato, oo siday doonto ugu andacooto, ayuu sababay, oo dadka Soomaaliyeed ka dhex abuuray, hadana iyada oo aan arimahaas oo dhami ka qarsoonayn ka qaybgalayaasha shirka, baa hadana sidiisii loogu soo celiyay qodobadii ka soo baxay shirkan Istanbuulna!!!

Waxa kale oo ka mid ah qodobada mugdigu ku jiro, qodobka odhanaaya: " In la tixgelinaayo madaxbanaanida, sharafta iyo midnimada ummada Soomaaliyeed"!!! Waa qodob marin habaabin ah!!! Waa qodob aan xambaarsanayn Wax macna ah haba yaraatee! Qodobkan wuxuu la mid yahay qodobo badan, oo marin habaabin ah, oo ka buuxa distuurka cusub, heshiisyada dowlada Soomaalidu gasho iyo warmurtiyeed kasta oo shirarka Soomaalida laga soo saaroba!! Waa qodob doqonimagarato ah, qaabka uu u dhigan yahay, waa qaabka wax lagu khiyaamayo! Halkii dalka Soomaaliya laga odhan lahaa, baa la yidhi ummada Soomaaliyeed! Intee wadan bay ummada Soomaaliyeed ku dhaqan yihiin, oo ay muwaadiniin ka yihiin?!!! Waa maxay hadalkan madhan, ee korka laynooka dhaldhalaaliyay,ee ah in la tixgeliyo madaxbanaanida, sharafta iyo midnimada ummada Soomaaliyeed?!!! Maxaa keenay in la odhan waayo, madaxbanaanida, sharafta iyo midnimada Soomaaliya?!!! Waa arin ulakac ah, waa khiyaano cad, oo lala maagan yahay ummada  Soomaaliyeed!! Waa dabin qarsoon, oo ujeeda wayni ka dambayso!! Waxa kale oo ka mid ah, qodobadaa marin habaabinta ah, kan odhanaaya: " shirkanu wuxuu hoosta ka xariiqay in masuuliyada kowaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalidu, beesha caalamkuna ay ku taageerayaan"!!! Waa marin habaabin kale, sidee bay taasu u dhici kartaa, iyadoo aan laysuba ogolayn, Soomaalidu in ay Mustaqbalkooda kawadatashadaan, oo la kala ilaalinaayo, oo amaro iyo soo jeedimo ay shisheeye wataan, uun dusha mar walba lagaga keenaayo, oo lagu amraayo in ay uun fuliyaan iyagu, ayna ku khasban yihiin in ay sidaas samayaan!!! Waa maxay macnaha uu samaynaayo hadalkanu, hadii qofkii Soomaali ah, ee ka hadla khaladaadka faraha badan iyo shirqoolada wadanka ka jira, lagu Shaambadaynaayo dembiilanimo, oo loo aqoonsanaayo qaswade, ay tahay in ciqaab la marsiinyo?!! Waxaa iyana jira qodoba badan oo is burinaaya, oo distuurkii hala ansixiyo baa la leeyahay, xubnihii ansixin lahaana hala soo xulo, Soomaalidu in ay arkaan oo ra’yigooda ka dhiibtaan distuurka, xaq bay u leeyihiin, waa la leeyahay, waa ku meelgaadh baa hadana la yidhi, distuurka laftigiisa waxa ku qoran, in Aan mudo todoba(7) sano ah, waxba laga bedeli Karin!!! Mudadaas oo aan ciyaar ciyaar loo xadidin, bal ay tahay mudo dadka samaystay, oo dabcan shisheeye ahi, ay ugu talagaleen in ujeedkii ay lahayeen laga gaadhayo, si kastaba ha ku gaadheen ee, marka waxay su’aashu tahay waxaas oo qodobo ah, oo is wada burinaaya iyo waqtigii oo cidhiidhi ah, sidee laysu waafajinayaa?!!! Maxay se beesha caalamku ugu Dhegantahay ansixinta distuurkan laga qarinaayo ummada Soomaaliyeed, oo aan arag waxa la leeyahay distuur buu idiin noqonayaa, oo aanay asal ahaan iyagu ku heshiin?!!! Waa maxay khasabkan la doonaayo in si duuduub iyo indha la’aan ah, lagaga ansixiyo ummada Soomaaliyeed?!!! Dabcan wax la qariyo qudhun baa ku jira, sacabkana habeenkii lama garaaceen hadaan xeeladi ku jirin, waxana nagaga filan inta Yar ee aan ilaa hada ka aragnay. Wax yididiilo gelin kara Soomaalida, oo ka soo baxay shirkaa, waa xaga dhaqaalaha, ee ah horuminta kaabayaasha adeega bulshada, iyo in ay Turkiya noqotay, dowlada loo daba fadhiisanaayo arimaha Soomaaliya, taas oo mudan in si wayn loo soo dhowayo, waana guul wayn oo ka soo hoyatay shirkii Istanbuul, waa in Turkiya loo daba fadhiistaa arimaha Soomaaliya, intii loo daba fadhiisan lahaaa Talyaani tuug ah, ama Ingriis khaayin ah.

Distuurka cusub iyo Road-map ku waa duulaankii ugu balaadhnaa ee Soomaaliya lagu soo qaado!!!

Waxaan shaki ku jirin in distuurka cusub iyo Road-map kuba yihiin, duulaankii ugu balaadhnaa, oo ilaa hada lagu soo qaaday Soomaaliya, maaha kii ugu horeeyay, oo 21 sano, ee dowlad la’aanta iyo ka horba, duulaankaasu wuu ku socday Soomaaliya, waanaba kan keenay burburka iyo dowlad la’aanta, aan ku jiro maanta, hase yeeshee kanu waa kii ugu balaadhnaa uguna khatarta badnaa, waa kii loogu tala galay in Lagu goosto midhihii shirqooladii iyo duulaanadii hordhaca ahaa, ee dalka hore loogu soo qaaday, iyada oo loo arkay in maanta Soomaalida la marin karaayo shirqoolkan, oo ay u bislaadeen, oo ay is dhiibayaan markan. Iyada oo sida aan hada soo tilmaamay, duulaanku uu inagu socday mudo dheer, burburka inagu dhacayna uu sabab u ahaa, ayaa hadana waxaa la odhan karaa xoogiisu wuxuu bilaabmay ka dib shirkii  Carta, ee lagu soo dhisay dowladii Carta iyo heshiiskii taariikhiga ahaa, ee ay Soomaalidu halkaa ku gaadhay, taas oo ku timid maskax Soomaaliyeed, oo ka madaxbanaan fara gelin shisheeye, iyo dedaalkii uu samayay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle khayr Allaah ha siiyee, iyo dhamaanba dedaalkii shacabka Jabuuti ee walaalaha ah, in kastoo aanu heshiiskaasu si buuxda u dhamaystirmin, sababo la  Xidhiidha beesha caalamka, oo ku dhiirigelisay dagaal oogayaashii wadanka intiisa badan ka talinaysay, in aanay ka qayb gelin heshiiskaa, bal ay ka soo horjeedsadaan, iyo weliba dowladii Carta lagu soo dhisay, oo gabtay hawlihii loo soo igmaday, oo ay noqotay mid iskhilaafis, sedbursi, qabyaalad, nin jeclaysi, musuq maasuq iyo waxqabad la’aani ragaadiyeen, hadana waxay wel wel iyo baqdin ku abuurtay Beesha caalamka iyo dowladaha deriska ah, oo aan marna doonayn, in qaranimadii iyo karaamadii Soomaalidu soo noqoto, waxay isla markiiba arkeen, oo yaqiinsadeen, in ay Soomaalidu dhabihii saxda ahaa, ee xal u helida mushkiladooda cagta la heleen, ayna sixi karayaan, waxa ilaa hada ka xumaaday iyo waxa dhimanba, waxayna goosteen in arintaa la is hortaago, oo aan Soomaalida kelidood laysu dayn, Sidaas ayuuna ku yimid shirkii Embigathi, ee ay beesha caalamku ugu qabatay Soomaalida dalka Kenya, kaas oo lagu soo dhisay DKM ah, ee dhowrka goor hada is bedbedeshay, sida dhabta ah shirkii Embigathi wuxuu ahaa afgembi iyo mijaxaabin, lagu samayay dedaaladii shirkii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa, ee Carta iyo dowladii halkaa lagu soo dhisayba, waxayna goosteen:

(A) in aan Soomaalida dib loogu ogolaan In ay kelidood shirwayne qabsadaan la mid ah kii Carta,

(B) in la burburiyo dowladii Carta iyo dhamaan dedaaladii halkaa lagu gaadhay,

(C) in aan dib Soomaalida loogu kala dhex bixin, sidii shirwaynihii Carta, bal shir walba, oo loo qabto ay ku dhex jiraan, oo maamulayaan beesha caalamka iyo dowladaha derisku,

(D) in waxyaabaha lagaga doodaayo, shirka kasta oo Soomaalida loo qabto, ay ahaadaan qodobo Ay beesha caalamka iyo dowladaha derisku u soo jeediyeen,

(E) iyo in waqtiga had iyo jeer lagu cidhiidhyo, si aanay fursad ugu helin in ay ka baaraan degaan, arimaha laga doonaayo in ay fuliyaan, welibana hanjebaado loogu daro, si ay si duuduuba isaga qaataan arimaha markaa debeda looga keenay, hadaba markii laga arkay in Soomaalidu arimahaa qaadanayaan, dhowr arimood oo aad u dhiiri geliyayna Ay Soomaalida ka arkeen, oo ay hore ugu jitaabiyeen, bal inay ogaadaan falcelintood ku jihaysan, ayaa keentay in si badheedh ah manta, loogula soo dhiirado distuurka cusub, oo shisheeye iyo dowladaha derisku gacantooda ku soo qorteen, oo dhab ahaan ah kii wadankaba lagula wareegi lahaa, in dusha lagaga keeno oo la yidhaahdo khasab ku ansixiya, dhowrka arimood ee sharci darada ah, ee dhiiri geliyay, Oo ay hore ugu guulaysteena waa:

(A) iscasilaadii Cabdullaahi Yuusuf dusha lagaga keenay, ee sharci darada ahayd, ee uu isna sida fudud u qaatay, oo u fuliyay, iyo sida ay Soomaalidu u qaateen, oo u aqbaleen sharci daradaa, iyo wixii ka dambeeyay, ee ahaa in baarlamaanka xubnihiisa si khasab ah lagu laban laabo, oo uu weliba keensado Shiikh Shariif oo ay wateen, dhamaam xubnahaa lagu kordhiyay Baarlamaanka si ay isaga codka u siiyaan!!! Maxaa laga dheefay dowlada Shiikh Shariif, dabcan waa musiibo tii ugu waynayd, iska dhaaf wax kale oo, waa kuwaa maalin walba loo soo xambaarinaayo shirqoolada, lala doonaayo dalka iyo dadkaba, waa kuwaa looga taag la’yahay, ee wareejinaaya, oo iibinaaya hantidii ma guurtada ahayd ee ummada, ee badii iibinaaya, oo dhulkii iibinaaya, ee hustaa iyo Yurtaa uun aynu ka hayno, oo laga ilaalinayo mustaqbalka iyo aayaha ummada,

(B) waa heshiiskii xaaraanta iyo baadilka ahaa ee Kambaala, iyo iscasilaadii dusha lagaga keenay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee uu ugu dambayntii aqbalay, iyadoo weliba dhawaaqyo badan uga yimaadeen shacabka qaybihiisa kala duwan, lagaga codsanaayo in aanu fulin iscasilaadaa sharci darada ah, iyo ansixintii Baarlamaanka, ee heshiiskaa baadilka ah, ee Kambaala, ansixintiisa oo lagaga iibsaday lacag!!! Taas oo iyana markii dambe soo afjartay jiritaankoodii, karis xun iyana ku wax la’!!!, arimahaas iyo kuwa kale, ayaa sababay in maanta lagula soo dhiirado Soomaalida, oo la yidhaahdo khasab ku ansixiya distuurkan cusub, ee u adeegaaya danaha shisheeyaha, waxaynu barnay in aynu aqbalno sharci darada, iyana waxay goosteen, in ay inagu maamulaan sharci daro, khasab, qarjajac iyo baqdin gelin

Doorka looga fadhiyo odayada dhaqanka iyo waajibka ka saaran badbaadinta aayaha ummada.

Haya’ada odayaasha dhaqanku, waa haya’ada bulshada ugu saraysa, waa tan ay Soomaalidu ugu qaderinta iyo ixtiraamka badan tahay, waa haya’ad soo jireen ah, oo weligeedba marjac u ahaan jirtay, xalinta khilaafaadka, dagaalada iyo dhib kasta oo ka dhex dhacda bulshada, waa haya’ada keli ah ee aan kow iyo labaatankaa ee dalku burbursanaa, marna loo adeegsan xalinta dhibaatada Soomaalida guud Ahaan, marka laga reebo shirkii Carta, oo ay si mug leh uga soo qayb galeen, waana tan u sabab ah, in shirkaa guula waawayn laga gaadho, waxay kaloo doorka ugu muhuumsan ku lahaayeen, dhismihii labada maamul, ee Puntland iyo Somaliland, in kasta oo labada maamulba markay cagaha isku taageen, daaqada ka tuureen odayadii dhaqanka iyo doorkoodiiba, hadaba haya’adan qaderinta iyo karaamada ku Dhex leh bulshada, waxay is tuseen beesha caalamka iyo dowladaha derisku, in ay markan u adeegsadaan iyaga, waa odayaasha dhaqanka ee, shirqooladooda kama dambaysta ah, oo ay danahooda guracana ku gaadhaan, iyana shaadhkooda wasakheeyaan, iyada oo la rabay in ay si duuduub iyo indha la’aan ah, iyaga oo aan arag, waxana kala socon, gudi ugu soo xulaan ansixisa, distuurkan shisheeyuhu soo  Samaystay, ka dibna ay soo xulaan baarlamaan magac uyaal ah, dabadeedna ay iyaga hadhow daaqada ka tuuraan, ilaa ka gaadhe danahoodii ee, hase yeeshee odayadii dhaqanku taa ilaa hada waa ka caga jiideen, waxayna dalbadeen in iyaga markan arimahaa looga dambayo, distuurka la sheegayona horta iyaga loo soo bandhigo, oo ay ka baaraandegaan, oo ka fiirsadaan, dabadeedna haduu mudan yahay, ay cid ansixisa U soo xulaan, arintaasu dhabar jab ayay ku noqotay shisheeyihii shirqoolka watay, iyo kuwii u adeegaayayba, xog kama hayo intii odayada dhaqanka Turkiga loo qaaday, halkaas oo ay fursad u heleen inay ku shiraan oo kaga doodaan xaalada dalkooda ee cakiran, waxan se leeyahay odayada dhaqanka ku adkaysta, mowqifkiina saxda ah, wadankan haya’adii ugu saraysay baad tihiin, waxaad tihiin kuwa ay Bulshadu ugu qaderinta iyo ixtiraamka badan tahay, sidaas darteed ha u loogina dadka iyo dalka shirqoolada cadawga, waa in aydaan fulin, oo ansixin, wax aydaan ka fiirsan, oo ka baaraandegin, si kasta ha la isugu dayo in laydinku khasbo ee, in aynu gacanteena isku gowracno, oo laydiin adeegsado baabi’inta ummadiina, waxa ka roon in layna qabsado, oo xoog layna kaga qaado, waxa la doonaayo in Khiyaamo laynakaga qaado, isku xoojiya aqoonyahankiina kowooda caafimaadka qaba, culimadiina, siyaasiyiintiina iyo waxgaradkiina, si aad tala toosan oo sax ah, iyo xal ugu heshaan arimaha dalkeena ee murugsan, haday noqoto, oo aad dowlad Soomaaliyeed dhistaan, u doorta dadkii ahalka u ahaa, ee khibrada u lahaa maamulka iyo dowladnimada, naga fogeeya inamada yar yare e shahaadadaha la Ordaaya, ee aan garanayn hadana, in ay yihiin madaxdii qaranka, bal se moodaaya in Mahiga, Zinawe iyo Mousevine ay iyaga madax u yihiin, ee u kala dheeraynaaya raaligelintooda, maalin walbana inoo soo xambaaraaya shirqoolo laynagu hagardaaminaayo, oo uu shisheeye wato.

Doorka Turkigu waa muhiim, mudan in aan ka faa’iidaysano.

Dowlada Turkigu, waa dowlad wayn oo muslim ah, waa dowlad ku milan, oo ku dhex jirta, dowladaha reer galbeedka, difaacoodana door muhiim ah ku leh, waa dowlada leh ciidamada ugu tirade badan, ee gaashaan buurta NATO, waa dowlad leh shaqaale aad u tira badan, oo xirfad yaqaan ah, ayna si xoog leh ugu tiirsan yihiin wadamada reer galbeedku, gaar ahaan wadamada Yurubta galbeed, waxay aduunka ka Hirgeliyaan mashaariic aad u waawayn, oo lagu tiriyo kuwa ugu tayada fiican, waana dowlada 16 aad, ee aduunka ugu dhaqaalaha wanaagsan, hadaba dowlada Turkiya, maanta waa inoo soo gurmatay si walaaltinimo ah, inagoo aduunka ka waynay mudadaa dheer, ee dalkeenu burbursanaa, walaal iyo saaxiib toona, oo inoo soo gurmada, sidaas darteed waxaa waajib ah, in aynaan dayicin taageeradaa iyo gacantaa Ay maanta inoo fidiyeen walaaleheena Turkigu, oo aan ka faa’iidaysano, iyana inaga faa’iidaystaan mustaqbalka marka dalkeenu hagaago, intii ay inaga faa’iidaysan lahaayeen Talyaani tuuga ah, ama Ingriis khaayiniin ahi, xataa dhinaca difaaca wax wayn bay inaga tarayaan, hadaynu inagu diyaar u nahay, oo ku wacyi qaadano waxa hareeraheena ka socda, hadaynu se inagu soo xambaaranayno shirqoolada caalamka, dee dowlada Turkiyana waxba inooma qaban karto, oo iyaba way xadidan yihiin, waxyaabaha ay kaga hor imaan karto dowladaha reer galbeedka ah, ee waawayn, ugu dambayntii waxaan qoraalkan ku soo afmeerayaa, inaan ku faraxsanahay taageerayona doorka Turkiga ee Soomaaliya, iyo in ay noqoto dowlada Turkigu tan loo daba fadhiisanaayo arimaha Soomaaliya, inana Allaah tacaalaa ha inaga yeelo kuwii garta ee ka faa’iidaysta, muhiimnimada doorka Turkiga ee Soomaaliya.

Wabillaah atowfiiq

Ciise Maxamuud Aadam

almutawaadic@yahoo.com

Xasuusin: Bayaankan Mas'uul kama ahan Shabakada Ceegaag.com ee kala xiriir Shaqsiga soo qoray.

ceegaag@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com