shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdigii ugu danbeeyay ee ka soo ambabaxa degaanka Buuhoodle oo ay  wadajir  u hogaaminayeen Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camey oo gaadhay Degmada Taleex.  

(Taleex, Jan 03, 2012 Ceegaag Online)

Waxaa maanta soo gaadhay degmada Taleex oo ah meesha la dhigay gogosha wadatashiga beelaha Dhulbahante wafti ballaadhan oo ka soo kicitimay degaanka Buuhoodle iyagoo ka qaybgalaya shirkan wadatashiga.

 

Waxaa wafdigaas ku soo dhaweeyay madasha shirka dadwaynaha iyo wufuudda ka qaybgalaya shirka. Hadallo kooban oo uu halkaas ka jeediyay Caaqil Camey ayuu ku sheegay in uu ku faraxsanyahay imaantinka shirka uuna rajaynayo in ay ka soo baxaan natiijo wanaagsan oo dan u ah beesha Dhulbahante. Waxaa kale oo Buuhoodle ka siiraacay wafdigaas qurbajoog u dhalatay degaannada Buuhoodle iyo Sool. Wafdigan ayaa noqonaya kii ugu danbeeyay ee ka ambabaxa degaanka Buuhoodle.

 

 

 

www.ceegaag.com

 

 

webmaster@ceegaag.com