shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Markaz As-Sunnah oo laga Dhisaayo Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag, Somalia

(Badhan, Jan 20, 2012 Ceegaag Online)

Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, ayaa waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyada oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho. Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la sii kordhin karaa.

 
Magalada Badhan oo ah magalooyinka ugu waa wayn gobolka Sanaag, ee Soomaaliya, ayaa aad u kortay sanadihii danbe, iyada oo xaruntii Jamacada Maakhir na la bilaabay, Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo badan oo waxbarashada  kaabaya,  Sidaa awgeed dadka Badhan ku dhaqan ayaa aad usoo dhowaynaya Markas kan cusub.

 
Markas  kan oo hada dhow dhow dhamaystirkiisu ayaa waxaa maal geliyey, Maxamed Ahmed Yusuf,( Maxamed Xawar), waxaana dhistay shirkada Hawar Heights uu masuul ka yahay  Adam Ahmed Yusuf,(Adam Xawar).

 
Shirkada Hawar Heights  oo  shirkad dhismo, ayaa ka fulisay, dhismayaal badan oo casri magaalada Badhan, dhismayashaan oo isku jirta guryo, masaajido, iyo Iskuulo iwm.


 
Waxii faahfaahina kala xiriir
Adam Xawar
Manager,Hawar Heights , 
Badhan, Somalia
Tell: +25258666727

Xubin ka mid ah Bahda LaasqorayNet
----عضو في الشبكة لاسقري نت الاخبارية ----
Member of LaasqorayNet Team

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com