shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kacdoon shacab oo gacankahadal isku rogay oo ka socda magaalada  Laascaanood

(Laascaanood, Jan 21, 2012 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhaya xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaya in banaanbax dad shacab ahi ka ga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada maamulka Somaliland ay joogaan Laascaanood uu dad badani ku dhaawacmeen, ka dib markii ay ciidamada amaanku u maaro waayeen xakamaynta dadkan banaan baxayay kadibna ciidamada milatariga ahi yimaadeen magaalada dhexdeedda rasaas noolna ooda kaga qaadeen dadkii halkaa ku banaan baxayay.

Mar aanu la xiriirnay shaqaalaha caafimaadka oo ku sugan Isbataalka magaalada ayaa noo xaqiijiyay in ay Isbataalka la keenay ilaa Lix dhaawac culus ah oo  rag iyo dumarba  leh.

Hada saacada magaaladu waa 12:00 duhurnimo kala soco wararka xiisadan ceegaag online.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com