shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Prof. Lafoole iyo Ardayda Jaamacada Nugaal iyo Dugsiga sare ee Muuse Yuusuf oo Taleex Lagu Soo dhaweeyey.

(Taleex, Jan 11, 2012 Ceegaag Online) 

Waxaa saaka subaxdii hore lagu soo dhaweeyey dagmada Taleex  Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. C/risaaq Mohamed Aden (Lafoole), ardayda Jaamacada Nugaal iyo ardayda dugsiga sare ee Muuse yuusuf waxaaana soo dhawaynta Ardayda ka qayb Qaadanayey Qurba Joogta Deeganadda SSC,iyo sidoo kale madaxa ciidamada amaanka ee shirka khaatumo II.

Waxaa meel magaalada Taleex ka baxsan kaga Hortagey wafdigan uu hogaaminayay Prof. Lafoole  madaxa Ciidanka Amaanka ee Shirka Khaatumo2  C/rashiid Ismaaciil Dheere isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay maanta inay  Maamulka Jaamacada Nugaal iyo Ardayda Jaamacada Nugaal iyo Iskuulka Muuse Yuusuf  Soogaadhaan Madasha gogosho Taalo ee Taleex isla markaana ay yihiin Jiilkii Soo kacayey ee aayahooda Laga talinayey isla markaana ay yihiin madaxdii Mustaqbalka.

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. C/risaaq Mohamed Aaden (Lafoole) ayaa ka mahadceliyay sidii diiraneed ee magaalada Taleex loogu soo dhaweeyay waxa uuna sheegay inay ku  faraxsanyihiin in ay yimaadaan Madasha Shirka Wada Tashiga Beelaha Dhulbahante  ayna ka qayb qaadan doonaan geestooda Hawlaha kaga aadan dhanka waxbarashadda.

Dhinaca kale waxaa Waftifan Goob fagaare ah kula hadlay Kooxda G6 waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin in ay yimaadan Taleex Maamulayaasha Jaamacada Nugaal iyo Ardayda Jaamacada Nugaal iyo Iskuulka sare ee Muuse Yuusuf.

Daawo Sawiradda

Maxamed Cismaan C/nuur
Taleex.

 

webmaster@ceegaag.com