shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa lilaali waa innaalilaahi raajicuun Caaqil C/laahi Shariif (Dhegacade) oo ku geeryooday Maraykanka.

(Columbus, OH, Jan 26, 2012 Ceegaag Online)

Ilaahay naxariistii Jano haka Waraabiyee Waxaa maanta Magaalada Columbus ee  gobolka Ohio Dalka Maraykanka  ku Geeriyooday  alla ha u naxariistee Caaqil C/laahi Shariif (Dhegacade) oo si weyn looga yaqaanay guud ahaan Dalka Somalia. gaar ahaan gobolada waqooyi.

 

Dhamaan reer Xaaji Cali Cilmi Iidle, reer Cali Abokor iyo reer Cali Cawl ayaa halkan tacsi uga diraya dhammaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay marxuum C/laahi Shariif Dhegacade.

 

Sidoo kale Maamulka iyo howlwadeenada Shabadaka Ceegaag.com Waxay tacsi u dirayaan Eheladii, qaraabadii iyo dhamaam umada soomaaliyeed uu maanta ka geeriyooday  Marxuum C/laahi Shariif, Waxaan Illaahay uga baryeynaa in Marxuumka Janadii Fawdasa ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagayna  samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

Sidoo kale waxaa tacsi nasoo gaadhsiiyay Dhamaan Maamulka iyo Howlwadeenada Hay’ada Waxbarashada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO Waxay Tacsi u dirayaan Dhamaan qoyska reer  Shariif Dhegacade gaar ahaan Ilma C/laahi Shariif iyo Hooyadood Waris X. Maxamed Yuusuf Geedeeye geerida ku timid ALLE ha unaxariistee Caaqil C/laahi Shariif (Dhegacade) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio dalka Mareykanka.Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo dhamaan Reer Shariif-na samir iyo Iimaan kasiiyo. Aamiin

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com