shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafdi heer sare ah oo ka Socda EU -da Iyo qaar Kamida Hay`Adaha QM oo kulan la qaatay madaxda wasaarada waxbarashada.

(Garoowe, April 06, 2012 Ceegaag Online)

Madax  ka socotay EU-da iyo hay`ado kale oo caalami ah oo ay kamidyihiin UNICEF, CFBT, AET ayaa kulan balaadhan la qaatay madaxda sare ee wasaarada waxbrashada dowladda Puntland iyo lataliyaasha wasaarada ka caawiya waaxyaha, kulankan ayaa ahaa mid kooban loogana hadlayay qodoba cayiman.

Ujeedka imaatinka wafdigan ayaa ah inay qiimayn ku sameeyaan halka uu marayo barnaamijka ay taageeradiisa bixiyaan oo ah barnaamijka hormarinta iyo kor uqaadida waxbarashada,  Integrated Capacity Development for Somali Education Administrations (ICDSEA) Kasoo wax ka qabta shan waaxyood oo kala

  • Strategic planning and policy development;
  • Human resources management and organizational development;
  • Financial management and planning;
  • Standards based quality assurance;
  • Gender mainstreaming and girls’ education participation. 

Lataliyaasha wasaarada waxbarashada ayaa soo bandhigay waxqabadkii ay sameeyeen mudadii ay joogeen iyo waxyaabaha ay kusoo kordhiyeen waxaa kaloo iyana hadal kooban soo jeediyay Wasiirka Waxbarashada Oo Amaan Usoo Jeediyay Madaxdii Meesha Isugu Timi sidoo kalana waxaa warbixin kooban soo jeediyay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Mr Mohamed Abduwahab.Waaxyahan ayaa ah kuwa  ugu miisaanka wayn wasarada waxbarashada qaybaheeda.

Daawo sawirada

Xigasho: www.moepuntland.com

 

webmaster@ceegaag.com