shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Soomaali Mareykanka laga masaafuriyay oo maanta la keenay Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, April 16, 2012 Ceegaag Online)

Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Federaalka ayaa sheegtay maanta in magaalada Muqdisho la keenay sagaal qof oo Maraykanka laga soo masaafuriyay markii iyagoo aan wadan fiiso dal ku gal ee dalka Mareykanka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/Samad Macalin Maxamuud ayaa xaqiijiyay in 9 qof oo rag ah oo laga soo celiyay dalka Maraykanka maanta laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa sheegay in safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ay dowladda u sheegtay in dadkan ay si sharci darro ah ku galeen dalka Maraykanka iyagoon wadan wax fiiso ah, sidaasi darteedna ay dib ugu soo celiyeen dalkoodii Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay, in dadkan ay hadda gacanta ku hayaan dowladda KMG ah. markii ay baaritaanka ay ku wadaan ay dhamaatana ay fasaxi doonaan. Mar la weydiiyay in dadka la qabtay ay xiriir la lee yihiin ururka Al-Shabaab wuxuu sheegay in arrintaas aan lagu soo wargalin maxaa yeelay ayuu yiri annaga waxa naloo sheegay in ay yihiin Soomaali si sharci daro ku galay dalka Maraykanka.

Sagaalkan qof ayaa la sheegay in la soo madhsiiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya gaar ahaan safaaradda Maraykanka ay ku leedahay dalkaas ka hor inta aan la keenin magaalada Muqdisho. Dalka Maraykanka waxaa ku nool Soomaali badan oo badankoodu qaxootinimo ku tagay dalkaas.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com