shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Shariif oo magacaabay guddiga Dowlada Federaalka Soomaaliya uga qaybgalaya wada hadalka maamulka Somaliland.

(Muqdisho, April 14, 2012 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka magacaabay guddiga Dowladda KMG ah Soomaaliya uga qaybgalaya wada haddalada maamulka Somaliland ee lagu wado inuu ka dhaco magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo goordhaweyd ugu waramay warbaahinta inta uusan ka duulin garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde si uu uga qaybgalo shirka madaxda Afrika ee ka furmidoona magaalada Addis Ababa ayaa magacaabay guddi ka kooban 10-xubnood oo wada haddal la yeesha maamulka Somaliland.

Guddiga uu madaxweyne Shariif magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka C/Samad Macallin Maxamuud guddigani ayaa waxa ay magaalada London ee dalka Britain kulan kula yeellan doonaan guddi uu horrey u magacaabay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Dhinaca kale Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo shalay u waramayay idaacada BBC-da ayaa sheegay in maanta uu magacaabi doono guddiga dowladda Federaalka uga qaybgalidoona wada hadalada maamulka Somaliland ayaan la ogeyn in labada mas’uul ee ugu sareysa dowladda KMG ah ay isku waafaqsanyihiin magacaabista gidigan iyo inkale.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com