shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Mohamed Ali (Gaas) oo maanta kulan la qaatay agaasimayaasha wasaaradaha Xukuumada Soomaaliya.

 

(Muqdisho, April 14, 2012 Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya, Waxaana looga hadlayay in agaasimayaasha guud aysan saameyn ku yeelan doonin xilliga kala guurka ah oo ay dowladda KMG Soomaaliya imminka ku jirto.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ujeedada ay tahay in howlaha agaasimayaasha ay sidii loogu talagalay u socon doonto islamarkaana sheegay ineysan dhicin iney saameyn ku yeelato isbadalka socdo ee xilliga kala guurka ah.

Waxaana ra’iisul Wasaaraha warbixino ka dhageystay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo sida ay howlaha ku socdaan, Iyagoona Ra’iisul Wasaaraha u balanqaadeen iney waajibkooda gudan doonaan, Islamarkaana ay sii shaqeyn doonaan inta laga soo dhisayo xukuumadd dhameystiran taa oo looga baxayo xilliga KMG.

Kulanka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha islamarkaana ku hadlayay Afka Agaasimayaasha Mudane Bashiir Goobe ayaa sheegay ineysan saameyn ku yeelan doonin shaqada adag oo ay Agaasimayaasho hayaan islamarkaana tilmaamay iney gudan doonaan waajibaadkooda shaqo kuna faraxsan yihiin howlaha imminka soconayo ee looga gudbayo marxaladda kala guurka.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha kuna hadlayay Afka Agasaamiyasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa tilmaamay iney derder gelin doonaan howlaha loo idmadey oo ay xukuumadda iyo Shacabkaba u hayaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay 11-xubnood oo ka socota dowladda Koonfur Afrika kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah madaama labada dal ay yihiin kuwa xiriir qoto dheer oo saaxiibtinimo ka dhaxeyso islamarkaana ay ka wada shaqeynayaan howlaha hadda socda ee mar xaladda kala guurka ah iyo waliba sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616 084650
Mogadishu, Somalia
 

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com