shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda MSF oo shuruuc ku xidhay mashaariicda ay ka fuliso gudaha Soomaaliya.

(Nairobi, April 16, 2012 Ceegaag Online)

Hay’adda caalamiga ah ee caafimaadka Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa joojiyey in mashaariic cusub oo aan ahayn kuwa xaaladaha degdegga la furo ama la balaadhiyo kuwii hore uga jirey Soomaaliya tan iyo inta si ammaan ah looga sii deynayo labada qof ee shaqaalaheeda ka mid ah ee kala ah, Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra, oo xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab laga afduubey lix bilood ka hor, taariikhdu markey ahayd 13kii Oktoobar 2011, iyaga oo afduub loogu haysto gudaha Soomaaliya.

Hay'adda MSF oo weli isku xilqaameysa caawimaadda dadka Soomaaliyeed waxaa ay sii wadi doontaa in ay wax ka qabato xaaladaha degdegga ah ee nafaha halis geliya. Sidaas oo ay tahay haddana, MSF si caadi ah uma shaqeyn karto marka labo shaqaalaheeda ka mid ah lagu haysto gudaha Soomaaliya.

Markii ugu dambeysey ee la arkey Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut waxaa ay ahayd mar lagu arkey gobolka Shabeellaha Hoose bishii December 2011. MSF si weyn ayay u cambaareyneysaa afduubkan waxaana ay ka dalbaneysaa dhammaan kuwa ay khuseyso, gaar ahaan maamullada iyo madaxda bulshada ee Soomaaliya in ay si firfircoon uga qaybqaataan sidii si ammaan ah loogu sii deyn lahaa Blanca iyo Montserrat. Qoysaskooda iyo MSF-ba waxaa ay mar kale ku celinayaan in aaney dooneyn in iskuday hub loo adeegsanayo lagu soo furto waxaana ay si weyn u door bidayaan in si ammaan loo sii daayo saaxibadda aan wada shaqeyno.

Blanca Thiebaut, oo 30 sano jir ah, iyo Montserrat Serra, oo 40 sano jir ah, waxaa ay ka shaqeynayeen xerada qaxootiga ee IFO 2 ee ku taalla Dhadhaab (Kenya) markii ay soo weerareen rag hubeysan 13kii Oktoobar. Xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab waxaa ku jira in ka badan 460,000 oo qaxooti Soomaali ah oo dalka uga soo cararey gaajo iyo dagaal daraaddood.

MSF waxaa ay si joogto ah uga shaqeyneysey Soomaaliya tan iyo sanadkii 1991, waxaana ay hadda guud ahaan dalka ka waddaa 13 mashruuc. Sanadkii 2011, ayaa MSF ay kor u qaaddey hawlaheeda si ay wax uga qabato baahida sarreysa, iyada oo mashaariic caafimaad ka wadda 22 goobood oo ku yaalla guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyada oo in ka badan 800,000 oo bukaan ah ay wax ugu qabatey Soomaaliya gudaheeda, iyo iyada oo gargaar caafimaad oo nafo lagu badbaadiyo siisey qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira xerooyinka Dhadhaab ee ku yaalla Kenya iyo kuwa Doolow Addo oo ka tirsan Itoobiya.

Yahya Dahiye
Somalia Information Officer
Medecins Sans Frontieres
East & Central Africa Regional Information Office
Email:msf-press-somalia@msf.org/yahyas86@gmail.com
Tel: +254 20 2721071/444 4474/444 0536
Mobile: 0733665424

 

webmaster@ceegaag.com